< Back to 68k.news BE front page

Maxay tahay duufaanta Hidaaya ee kusoo wajahan Kenya? - BBC News Somali

Original source (on modern site) | Article images: [1] [2] [3] [4] [5]

Xigashada Sawirka, Getty Images

4 Maajo 2024

Xeebaha Bariga Afrika, gaar ahaan Tanzania, ayaa la filayaa inay ku dhufato Duufaanta Hidaaya oo sababi doonto roobab lixaad leh.

Horraantii toddobaadkan, Waaxda Saadaasha Hawada Tanzania (TMA) ayaa ku dhawaaqday in la filayo in roobab xooggan ay ka di'i doonaan shan gobol oo dalkaasi ka tirsan oo ay ka mid yihiin Mtwara, Dar es Salaam, Lindi, Tanga, iyo jasiiradaha Morogoro, Pemba iyo Unguja iyo deegaannada ku xeeran.

Duufaanta Hidaaya ayaa soo bilaabatay Arbacadii iyaodo kasoo kacday koofurta Badweynta Aasiya una soo jiheysatay bariga Tanzania iyo waqooyi-bari Jasiiradaha Comoro.

Sida ay sheegtay TMA, dhaqdhaqaaqa duufaanta ee badda inay muujineyso suurtogalnimo ah in Duufaanta Hidaaya ay usoo dhaqaaqdo meel u dhow xeebta Tanzania ayna sii socoto ilaa May 6, 2024.

Sida ay sheegtay dowladda Tanzania, duufaanta ayaa sii xoogeysaneysa iyadoo saacaddiiba jareysa 110 kiilo mitir.

Warka dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in duufaantu ay sii xoogeysan doonto 24-ka saac ee soo socda.

Waa maxay talooyinka ay bixisay waaxda TMA?

Xigashada Sawirka, Reuters

Dowladda ayaa dadka kula talisay inay sii wadaan u kuurgelidda cimilada iyo warbixinta saadaasha hawada in ay talo iyo hagid uga helaan khubarrada khibradda u leh arrintan si ay naftooda uga ilaaliyaan saameynta ka dhalan karta duufaanta.

Waaxda TMA ayaa sheegtay in kororka roobka iyo duufaanta xooggan ay wehlin doonaan mowjado waaweyn oo badda kakaca kuwaasoo loo maleynayo inay ku faafi doonaan meelo badan oo xeebta ah laga bilaabo maanta oo Sabti ah ilaa 6-da bishan May 2024.

Waxaa kaloo ay waaxda TMA soo saartay digniin ay u jeedineyso dadka deggan meelaha laga cabsi qabo gaar ahaanna kuwo u dhow badda.

Waxaa intaa dheer, in waaxdu ay ka codsatay dadka reer Tanzania inay sii wadaan u kuurgelidda cimilada iyo u hoggaansamidda talooyinka waaxda saadaasha hawada.

Maxay Kenya tiri?

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dowladda Kenya ayaa waxay Khamiistii ka digtay in gobolka Xeebta uu yahay kan laga cabsi qabo inay saameyso duufaanta Hidaaya maalmaha soo socda sababo la xiriira roobabka xooggan ee haatan ka da'aya dalka.

Digniintan ayaa lasoo saaray kadib kulan gaar ah oo dhex maray golaha wasiirrada dalka oo Khamiistii la qabtay iyadoo laga wada xaajoonayo tallaabooyinka dheeraadka ah ee la qaadi karo si looga baaqsado saameynta taban ee daadadka iyo dhulgo'yada.

Golaha wasiirrada Kenya ayaa war kooban laga siiyay saadaasha hawada saddexda bilood ee soo socda, taasoo muujisay in roobab xooggan ay kasii di'i doonaan qeybo ka mid ah dalka.

Waa maxay duufaan?

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sida ay sheegtay Waaxda Saadaasha Hawada ee Adduunka, duufaan ba'an waa mid si xooggan u socota kana soo bilaabata badaha.

Dufaan xooggan oo Badweynta Hindiya kasoo bilaabata ayaa ka xoog badan kuwa caadiga ah.

Waaxda Meteo France La Reunion, ayaa ku magacaabay Hidaaya kadib markii ay ka wra heleen inay kasoo hilaabatay galbeed iyo waqooyi galbeed intii u dhaxeysay May 2-4, 2024.

Duufaantii ugu dambeysay ee ku dhufatay Tanzania ayaa ahayd 1952 waxayna ku dhufatay gobolka Lindi ee xeebta koofureed ee Tanzania.

Sidoo kale duufaantii ugu dambeysay ee ku dhufata Zanzibar waxay ahayd 1872 saameynteeda ayaana gaartay dhulweynaha agagaarka Bagamoyo, ee waqooyiga Dar Es Salaam.

Haddii duufaanta Hidaaya ay timaaddo, waxay noqon doontaa markii ugu horreysay taariikhda ee Dar Es Salaam ay ku dhufato duufaan.

Sanadihii lasoo dhaafay, Tanzania waxaa ku dhuftay labo duufaan oo kale, sanadkii 2019 Duufaanta Kenneth ayaa la saadaaliyay inay ku dhufan doonto gobolka Mtwara balse jihada ayay beddelatay waxayna caga dhigatay Mozambique.

Sanadkii 2021, Duufaanta Jobo ayaa laga digay, balse ma aysan sababin wax musiibo weyn.

< Back to 68k.news BE front page